Taliyaha Guud ee Ciiddanka Kenya oo sheegay inaysan ka bixi doonin gudaha Somalia.

Jeneral Samson Mwathethe ayaa hadalkaasi ka sheegay mar uu Ciiddanka Kenya ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM kula hadlayey Garoonka Diyaaradaha ee  magaalladda Kismaayo, wuxuuna ku ammaanay dagaalka ay kula jiraan Xarakadda Alshabaab.

KDF KISMAYOJeneralka waxa uu carrabka ku dhuftay inaysan Ciiddanka Kenya ka bixi doonin gudaha Somalia tan iyo inta ay ka gaarayaan Hadafkooda ku aadan inay ka guuleystaan Alshabaab oo uu ku tilmaamay inay khatar ku yihiin Dadka iyo Danaha Qaranka Kenya.

“Waxaan u joognaa Somalia tan iyo sannadkii 2011-kii, si aan uga guuleysano Alshabaab, kamana bixi doono Somalia ilaa aan ka gaarno Hadafkeenna” ayuu yiri Jeneral Samson Mwathethe.

Waxa uu intaasi ku daray inay u joogaan Somalia si aan u dilno caddowgeenna, ka hor intaysan waxyeello gaarsiinin dadka Kenyaanka, waa sida uu hadalka u dhigay.

Jeneral Samson Mwathethe waxa uu sheegay inay Ciiddanka Kenya si dhow ula shaqeeyaan Ciiddamadda kale ee AMISOM, wuxuuna tilmaamay inay leeyihiin Hal hadaf, si ay u naafeeyaan Alshabaab, waa sida uu hadalka u dhigay.

Ciiddanka Kenya oo Somalia soo galay muddo haatan laga joogo 4 sanno waxay ku guuleysan la’ yihiin Hawlgalka loo qoondeeyey, si ay Xarakadda Alshabaab uga saaraan Goballadda Jubbooyinka, waxayna door bideen inay dhufeysyo ka dhigtaan Dekedda Kismaayo  iyo  inay Kharaj  ka qaataan Alaabta Kontorobaanka, sida  shixnadaha Sonkorta  ee ka gudbaya Xuduudka Kenya.

Warbixin dhawaan la soo saaray ayaa lagu sheegay inay Ciiddanka Kenya ee ku sugan gudaha Somalia ku mashquuleen Ganacsiga Kontorobaanka, halkii ay kaalin muuqata ka qaadan lahaayeen Hawlgalka AMISOM ee ay kula dagalamayaan Xarakadda Alshabaab.

©Radio Dalsan