Taliyaha Guud ee Ciidanka Turkiga oo Goor dhow Muqdisho soo gaaray

Wefdigan uu hoggaaminayay Taliyaha Guud ee Ciidanka  Dalka Turkiga Hulusi Akar ayaa goordhow ka soo degay Garoonka Diyaaradah Aadan Cadde ee magaalaad Muqdisho halkaasi oo si weyn loogu soo dhaweeyay.

Taliyaah Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed Janaraal Maxamed Axmed JImcaale Geedi iyo saraakiil iyo mas’uuliyiin kale oo uu ka mid yahay Danjiraha Turkiga Ambassador Olgan Baker ayaa ku so dhaweeyey Garoonka aadan Cadde halkaasi oo kulamo uu kula leeyahay Mas’uuliyiin iyo Saraakiil.

Waxaa wefdigan loo galbiyay xarunta Safaaradad Turkiga uu ku leeyahay magaalada Muqdisho,halkaasi oo kulamo ay uga socdaan mas’uuliyiin iyo saraakiil katirsan Dowladda Soomaaliya.

Amaanka magaalada Muqdisho ayaa siweyn loo adkeyeye iyadoo ciidamada Amniga ay siweyn u sugayaan nabadgeliayada.

Socdaalkan ayaa horudhac u ah wefdi Ballaaran oo ka socoda Dalka Turkiga kaasi oo ka qeybgalidoona munaasabadda xarigga loooga jarayo xarun Ciidan oo Turkiga ka hirgeliyayay magaalada Muqdisho,taasi oo loogu talagalay in lagu tababaro ciidanka.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media