Taliyaha Ciidanka Xoogga oo ka hadlay dhacdadii Dugsiga Tababarka Ciidanka ee Jeneraal Gordan

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya Janaraal Cabdiweli Jaamac Gorod ayaa sheegay in gacanta lagu soo dhigay askartii ka tirsanayd Xerada Jeneraal Gordan ee isku dayey in ay halkaas kala baxaan saanad iyo agab ciidan oo ku xeraysaana keydka xerada.

Taliyaha ayaa xaqiijiyey in is-rasaaseyn ay ka dhacday xerada kaddib markii ay halkaas soo gaareen cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka oo la faray in ay gacanta ku soo dhigaan askartan ku kacay falkaas aan lagu aqoon Ciidanka Soomaaliyeed.

“Ciidanka Xoogga Dalka waxa ay hadda gacanta ku hayaan askartii iyo Saraakiishii ka danbeeyey dhacdadaan, inkastoo ay tira ahaan aad u yaryihiin haddana waa mid aan marnaba la qaadan karin, waxaanna ballan qaadeeynaa in aan hor keeni doonno sharciga.”

Taliyaha Ciidanka Xoogga ayaa xusay in ciidanka Soomaaliyeed markasta ay aaminsanyihiin qadiyadda ay u dagaalamayaan in ay tahay difaaca karaamadooda iyo qarannimadda waddankooda, gacan bir ahna ay ku qaban doonaan askari kasta oo ka leexda waajibaadkiisa Qaran.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media