Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliya oo ku wajahan Gaalkacyo

Maanta ayaa la filayaa in Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug tababar loogu soo xiro Ciidamo isudhaf ah oo ka kala socda Maamulada Puntland iyo Galmudug.

Wafdi uu hoggaaminayo taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliya Gen-Cabdixakiin Saaacid,ayaa la filayaa in ay maanta tagaan Magaalada Gaalkacyo,si ay uga qeyb galaan Munaasabada tababarka loogu soo xirayo ciidamada.

Sidoo kale Wafdi ka socda Qaramada Midoobay ayaa qeyb ka noqon doona Wafdiga taliyaha,waxa ayna ka mid yihiin qeybta taakulada ciidamada Iskudhafka ah ee ka qeyb qaadan doona ammaanka Magaalada Gaalkacayo.

Diyaar garoowgii u dambeeyay ayaa ka socda Magaalada Gaalkacyo iyada oo Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Carabeey,uu Goobjoog ka noqon doona Munaasabadda.