Maanta ayaa waxaa siwadjir ah xilalkii looga kala qaaday taliyihii Ciidamada ilaalada wadooyinka ee Taraafikada,Cali Bare Xersi(Cli Gaab) iyo taliyihii Ilaalada Xarunta dowladda hoose ee Visha Geverno.
Labadaan Sarkaal ayaa la sheegay in xilka qaadis uu ku sameeyey taliyaha Ciidanka booliiska Soomaaliya Gen,C/xakiin Daahir Siciid Saacid,kadib isfahamwaa soo kala dhexgalay.
Cali Gaab,ayaa xilkaan hayay Mudo Saddex bil ah,waxaana xilka taliyaha taraafikada dib loogu celiyey Cali Maxamed Cali oo xilkaan horay u hayay dalka dibaddiisana howlo Caafimaad ugu maqnaa.
Taliyaha ilaalada Xarunta dowladda hoose ee Visha Geverno Axmed Cabdullaahi Baashane ayaa isna Maanta xilka laga qaaday,waxana xilkaan 8 Bishii May ee Sanadkaan horay ugu Magacaabay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya Cabdixakiin Daahir Saciid Saacid.