Talisyada Ciidamada Milatariga,Boliska,iyo Nisa oo isbadal lagu sameeyay iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo xilka laga qaaday.

Waxaa xilalalka laga qaaday Taliyihii Ciidanka xooga dalka Maxamed Aadan Axmed,taliyahii Ciidanka Nisa C/llahi gaafoow Maxamuud ,Taliyahii Ciidanka Boliska Maxamed Sheekh Xasan Xaamud iyo Gudoomiyahii Gobolka Banaadir Yuusuf xuseen jimcaale .

Waxaana xilalakaas loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka waxaa loo magacaabay  Jimcaale Cardiid Naliyaha Cusub ee Boliska Waxaa loo magacaabay C/xakiin Daahir Saciid Saacid,Taliyaha Nabadsugida ayaa waxaa loo magacaabay C/llahi Maxamed Cali Sanbaloolshe.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa waxaa loo magacaabay Taabid Maxamed Cabdi.