Taliska Xoogga dalka ee G/Gedo oo sheegay in ay dileen Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab

Taliska Xoogga dalka Soomaaliya ee gobolka Gedo ayaa sheegay in dagaal Saacadihii la soo dhaafay qeybo k mid ah gobolka Gedo ku dhexmaray Ciidanka dowladda iyo kuwa Al-Shabaab lagu dilay Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab

C/raxmaan Ibraahim Maxamad Taliyaha Ururka  48-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed qeybta Gobolka Gedo ayaa sheegay in intii dagaalkaas socday ay ciidamadu ku guuleesteen in ay dilan Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab sida uu hadalka u dhigay.

Waxaa uu tilmaamay in dagalkaas ay sidoo kale kula wareegeen deegaano ay horay ugu sugnaayeen Al-Shabaab kuwas oo ku yaalla duleedka degmada haatana ay ku sugan yihiin Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya.

Ciidamada Kenya ayaa maalmihii u dambeeyay wxa ay wadeen dhaqdhaqaaqyo ay uga baxayeen deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolka Gedo.

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media