Taliska AMISOM oo iclaamiyey Hawlgal ay dhawaan kula dagaalamayaan Alshabaab

Taliyaha Guud ee Ciiddanka AMISOM, Jeneral Jonatham Rono  ayaa hadalkaasi ka sheegay mar uu la hadlayey Ciiddanka ka socda dalka Burundi ee ku sugan Saldhigga Jereredo Army Base ee Qeybta Shanaad ee Hawlgalka AMISOM.

Jeneral Jonatham Rono   waxa uu Ciiddankaasi warbixin ka siiyey Hawlgalka ka dhanka ah Dagaalamayaasha AMISOM iyo qorshaha la isugu bedelayo Ciiddanka AMISOM ee ku sugan degmooyinka Istaraatijiyadda leh.

Waxa uu Ciiddanka Burundi ugu beer qaboojiyey khasaarihii ka soo gaaray weerarkii Alshabaab ay dhawaan ku qaadeen Saldhigga Ciiddanka AMISOM ee Degaanka Leego oo lagu dilay Kontameeyo ka tirsan Ciiddanka Burundi.

“Maalmaha soo socda, si wadajir ah AMISOM iyo Ciiddanka Qaranka Somalia waxaan samayn doonaa dhadhaaq ciiddan, waana og tihiin inaan mar hore ku guuleyanay 80%” ayuu yiri Jeneral Jonatham.

Waxa uu rajo ka muujiyey inay ku guuleysan doonaan 20%  u harsan, waa sida uu hadalka u dhigay.

Hadalkiisa ayaa waxa uu ku soo beegmayaa, iyadoo ay Dagaalyahannada Alshabaab dib ula wareegeen Deegaannadii ay Ciiddanka AMISOM iyo kuwa Dowladda Federalka kajoogeen qeybo ka mid ah Gobalka Sh/hoose.

Xeeldheerayaasha ayaa rumeysan inuu Hawlgalka AMISOM gaabis ku socdo, maadaama ay Alshabaab la dagaalamayeen tan  iyo sannadkii 2007-dii, isla markaana fari ka qodneen Hawlgalkii AMISOM.

©  Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor