Taliska AFRICOM oo ka digay  inuu guul-daraysto Hadafka laga lahaa dagaalka ka dhanka Alshabaab.

Taliyaha Taliska Ciiddanka Maraykanka ka jooga Qaraadda Afrika (AFRICOM), Jeneral David Rodriguez oo la hadlay Guddiga Senedka Maraykanka ugu qaabilsan Adeegyadda Hubeysan ayaa tilmaamay in Xaalladda Ammaanka Somalia taagan tahay meel quus ah.

Waxa uu tilmaamay in lagu guul-daraystay in la xaqiijiyo qorshaha lagula dagalamayo Alshabaab, wuxuuna arrintaasi ku sababeeyey iyadoo Ciiddanka AMISOM laga badiyey Culayska iyo iyadoo Ciiddanka Somalia haysato yaraanshaha dhinaca Tas-hiilaadka.

Taliyaha Taliska Ciiddanka Maraykanka ka jooga Qaraadda Afrika (AFRICOM) waxa uu tilmaamay inay Ciiddanka Dowladda Somalia weli ku tiirsan yihiin AMISOM oo ay kala qeyb galaan Hawlgalladda.

Waxa uu intaasi ku daray inay Ciiddanka Dowladda Somalia ka dhex jirto Loolan dhinacyada Hoggaanka, Taageeradda Lojistikadda iyo Is-kooxeysiga Qabaa’ilka, waa sida uu hadalka u dhigay.

Jeneral David Rodriguez waxa kale oo Warbiixnta uu u jeediyey Guddiga Senedka Maraykanka ugu qaabilsan Adeegyadda Hubeysan ku muujiyey inay Alshabaab weli dhaqaale iyo taageero ka helaan Deegaanadda ay weli ku sugan yihiin oo aysan Dowladda maamulin.

Waxa uu intaasi ku daray inay Alshabaab lumiyeen sannadkii hore dhul badan, isla markaana laga naafeeyey meelihii ay ka heli jireen Kharajka ay ku hawlgalaan, waa sida u uhadalka u dhigay.

Dhinaca kale, waxa uu ka digay inay Alshabaab qorsheynayaan inay Fikirkooda ku ballaariyaan dalalka Bariga Afrika, maadaama ay culaysyo kala kulmeen gudaha Somalia, waa sida uu hadalka u yiri Taliyaha Taliska Ciiddanka Maraykanka ka jooga Qaraadda Afrika (AFRICOM), Jeneral David Rodriguez.

Hadalkiisa ayaa waxa uu ku soo beegmay, iyadoo ay Milliteriga Maraykanka isbuuca 2-hawlgal la beegsadeen fariisimadda Alshabaab ee Xeradda Tababarka Raaso ee duleedka Buulo-burte iyo Deegaanka Aw-dheegle ee duleedka Afgooye.

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor