(MUUQAAL):Taksiile dad ku dhawaacay bartamaha magaalladda Mosko.

8 qof ayaa la jiirsiiyey Taksi, kuwaasi oo 2 ka mid ah xaalladooda aad u liidato.

Dareewal waday Taksi ayaa la sheegay inuu dadkaasi ku dhawaacay Fagaaraha Cas ee Mosko, oo wax yar u jirta Xarunta Keremiliinka ee loog taliyo dalkaasi.

Duqa magaalladda Mosko, Sergey Sobyanin waxa uu Bartiisa Twitter-ka ku qoray inay dhacdo aan la filaynin si kedis ah ku dhacday, isla markaana yy Dareewalka xakamayn kari waayey Gaariga uu dadka jiirsiiyey, waxaana meesha laga saaray inuu falkaasi ahaa mid Argagixiso.

Boliska ayaa sheegay in Darewaalka geystay shilkaasi la xiray, lana filayo in berrito la soo taago Maxkmaad.

Dareewalka oo watay Laysin laga bixiyey dalka Karakhitaan waxa uu  sheegay inuu 20-saacadood soo jeediyey oo uu shaqaynayey, ila markaana uu si kama’ ah ku dhacy shilkaasi.

Dhinaca kale, Safaaradda Meksiko ku leedahay magaalladda Mosko ayaa xaqiijisay inay  2 haween oo ka mid ah Muwaadintooda ku dhaawacmeen shilkaasi, waxayna haweenkaasi ka mid yihiin Taageerayaasha Reer Meksiko ee  u yimid  Raashiya si ay u daawadaan Ciyaaraha Kooka Adduunka oo haatan ka socda dalkaasi

Halkan ka daawo Muuqaalka oo nadin leh:

https://youtu.be/0DNS4B3Ug_c

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media