Tahriibiyaal Laga Soo Badbaadiyey Badda Mediterranean-ka

Ciidamada ilaalada xeebaha dalka Taliyaaniga ayaa sheegay in 48-dii saac ee la soo dhaafay ay badwaynta Mediterranean-ka  ka soo badbaadiyeen 600,000 oo Muhaajiriin afrikaan ah.

Mid ka mid ah muhaajiriinta la soo badbaadiyey ayaa u sheegay saraakiisha inay xeebaha Liibiya ka soo raaceen Doonyo macmal ah oo halis ku ah safarka dheer ee Badda .

Dadkan Tahriibayaasha ah ayaa la sheegay inay ku jiraan dad ka soo jeeda Wadamada  Itoobiya, Uganda, Soomaaliya, Tanzania, Kenya iyo dalal kale, waxaana la sheegay inay doonayeen in ay u socdaalaan  Yurub, si ay uga dhabeeyeen hamigooda .

Ciidamada ayaa sidoo kale waxa ay sheegeen in ay sare u kacday tirada Muhaajiriinta ka imaanaya waqooyiga Afrika, iyadoo haatan baddu ay tahay mid degan.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media