Tahriibe deganaanshaha Talyaaniga ku helay haweeney uu badbaadiyey

Tahriibayaasha Badda Mediterreanka ka gudubta ee  nasiibka u hela inay gaaraan xeebaha dalka Talyaaniga waxaa mar kale caqabad ka qabsataa sidii ay Talyaaniga uga bixi lahaayeen ama ay  Deganaansho uga heli lahaayeen.

Tahriibe u dhashay dalka Bangaladesh oo ay kaga jajabnayd Talyaaniga, isla markaana derbi-jiif iska ahaa ayaa waxa uu daqiiqado gudaheeda ku helay Deganaanshaha Talyaaniga muddo 12-bilood ah.

Tahriibahaasi oo lagu magacaabo Sobuj Khaliifa oo 32-jir ah ayaa waxa uu maalin maalmaha ka mid ah isagoo ku sugan janbiga Webiga Tiber River ee dhex mara caasimadda dalka Talyaaniga ee Rome ayaa waxa uu arkay haweeney ku hafan lahayd Webiga.

Waxa uu go’aansaday inuu haweeneydaasi badbaadiyo (Ilaahaa wax badbaadin karee), wuxuuna ku guuleystay inuu u gurmado haweeneydii, kana soo saaro webiga.

Sobuj Khaliifa oo dalka Talyaaniga tahriib ku soo galay sannadkii 2008-dii ayaa waxa lagu tilmaamay Geesi, kadib, markii uu soo badbaadiyey Haweeney 55 jir oo Yuhuud ahayd, taasi oo la sheegay inay Webiga isku tuurtay si ay isku disho.

Wargeyska  CORRIERER ayaa wareystay Sobuj Khaliifa, wuxuuna ka sheekeeyey qabaki iuu ugu gurmaday haweeneydii, una soo badbaadiyey.

Tahriibaha oo Kalluumeysato ka ahaan jirey dalkiisa Bangaladesh ayaa sheegay inuusan wax dhibaato ah kala kulmin dabaasha, isla markaana uu Webiga galay isagoo aan iska bixinin dharka iyo kabihiisa.

Sobuj Khaliifa oo ah Qaxooti iska seeda jiinka Webiga Rome ayaa waxa u yeeray Duqa magaalladda Rome, Ignazio Marino, wuxuuna ugu hambalyeeyey Geesinimadda uu ku soo badbaadiyey haweeneydii.

Duqa magaalladda Rome, waxa uu Qaxootigii u dhashay dalka Bangaladesh ku abaalmariyey Fasaxa Deganaanshaha Talyaaniga muddo hal sanno ah.

Duqa Rome waxa uu Twitterkiisa ku soo oqray:- “Waxaan u yeeray Sobuj Khaliifa, ninkii dhallinyarada ee Bangeliga ah ee haweeney ka badbaadiyey Webiga Tiber”.

Sobuj Khaliifa wey ka fuqday, oo mar dambe ma seexan doono Jiinka Webiga iyo Kabarka uu habeenkii seexan jirey .

Haatan waxa uu Ubaxyadda ku iibiyaa Deegaanka Trastevere, wuxuuna isbuucii helaa lacag dhan €50, oo uu u sii xawilo hooyadiisa ku xanuunsan dalka Bangaladesh.

Waxaa Turjumay: Ustaad Nuradin Abokar Ahmed