Tahriibayaasha oo lagu xiro shabaqyadda Xayawaanaadka ee Tripoli Zoo

Wargeyska The Telegraph ee ka soo baxa magaalladda London ayaa qoray Warbixin looga hadlay xaalladaha ay la kulmaan Qaxootiga ku sugan dalka Libya ee doonaya inay u sii tahriibaan Xeebaha Talyaaniga.

Qaxootigaasi ayaa lagu hayaa shabaqyo ku dhex yaalla Xarun lagu hayn jirey Duur-joogta oo ku taalla dalka Libya.

Maleeshiyo hubeysan ayaana halkaasi ku haya, ka hor intaysan dadkaasi sii raacin doonyaha inta badan ku dega Badda Dhexe (Mediterranean Sea).

Madaxa Xafiiska Hay’adda Caalamiga ee La-dagaalanka Jirdilka (The World Organisation Against Torture (OMCT) ee magaalladda Tripoli, Currun Sigh ayaa u sheegay Wargeyska The Telegraph inay Maleeshiyada Liibiyaanka ay  rag, haween iyo carruur badan ka buuxiyaan Shabaqyadaasi iyo qolalka Iskuul xiran oo ay ka dhigeen Xabsi.

Warbixinta uu Mas’uulkaasi sheegay ayaa ah kuwo laga argagaxo, waxayna Maleeshiyadda kufsadaan haweenka oo badankooda uur qaada intaysan u tahriibin Xeebaha Talyaaniga.

“Goobta Xayawaanaadka lagu xereeyo ee Tripoli Zoo waxaa haysta Maleeshiyo hubeysan, kuwaasi oo u adeegsada sidii hoy ay dadka ka tahriibiyaan” ayuu yiri Currun Sigh oo intaasi ku daray inay xaalladda aad u xun tahay.

Waxa uu sheegay inay Tahriibayaasha xiran helin daryeel caafimaad, waxayna badankooda la il-daran yihiin cuddurka Qaaxadda (TB).

Currun Singh waxa uu tilmaamay inay Xabsiyadda yihiin kuwo aad loo buux dhaafiyey, iyadoo ay weliba cimilladda Libya tahay mid aad u  kulul.

Mas’uulkaasi, Currun Sigh oo muddo labo sanno xarun u ahayd magaalladda Tripoli ayaa waxa  uu ku hawlanaa sidii uu Ururka Midowga Europe (EU) ugu diyaarin lahaa Warbixin la xiriirta Tacadiyadda Xuquuqda Aadanaha ee ka dhaca dalkaasi.

Warbixintiisan ayaa timid dhowr toddobaad kadib, markii ay in ka badan 800 oo Tahriibayaal u badan Somali ay ku hafteen Badda Dhexe (Mediterranean Sea), kadib, markii ay la degtay doonidii ay ka soo raaceen Xeebaha Libya.

Dhinac kale, Hay’adda Caalamiga ee La-dagaalanka Jirdilka (The World Organisation Against Torture (OMCT) waxay kaloo diiwaan-gelisay dilal ka dhacay 17 Xarumo Shisheeyaha lagu hayo iyo in ka badan 20 Xabsiyo macmal ah oo ay Maleeshiyadda ku xiraan dadka Tahriib-doonka ah.

Hay’adda waxay la hadashay  qaar ka mid ah La-haystayaasha oo sheegay in si xun loo ciqaabo, oo Koronto lagu qabto ama haashka sigaarka lagu damiyo.

Hay’adda waxay kaloo sheegtay in dhamaan xarumaha dadka lagu hayo yihiin kuwo hoos taga Wasaaradda Arrimaha Gudaha Libya, balse ay maamulaan Maleeshiyooyin Hubeysan oo badankooda xiriir la leh Kooxaha ka ganacsada Tahriibka (Smugglers).

Ka daallaco Links-kan http://www.telegraph.co.uk/news/worldnews/africaandindianocean/libya/11578241/Migrants-being-held-in-cages-at-Tripoli-zoo-by-Libyan-armed-groups.html

Xigasho: The Telegraph

Waxaa soo koobay Ustaad Nuradin Abokor Ahmed,

Dalsan Radio, Mogadisho, Somalia.

FILE - In this file photo taken Friday, Nov. 29, 2013, African migrants cover themselves with blankets, after being captured by the Libyan Coast Guard while on a boat heading to Italy, in a detention center for illegal migrants in Abu Salim district on the outskirts of Tripoli, Libya. The odyssey often begins in an Eritrean refugee camp in Sudan where smugglers offer a deal too good to refuse: Transport to Libya and the chance of a boat trip to Europe, sometimes with no money down. But once in the lawlessness of Libya, the desperate and the dreamers are essentially held hostage by their traffickers until payments are extorted from relatives or they come up with the cash themselves. (AP Photo/Manu Brabo, File)

An illegal migrant prays beside others in Quwaiya detention center, east of Tripoli, April 23, 2015. Three hundred and twenty two illegal migrants, mostly African, are detained at Quwaiya detention center. Libya has stopped several boats packed with Africans trying to reach Italy's shores in the past three days. REUTERS/Ismail Zitouny

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor