Tahriibayaal Soomaali ku sugan dalka Liibiya oo ku soo wajahan magaalladda Muqdisho

Tiro ka mid ah Tahriibayaasha Soomaalida sharci-darradda ku joogta dalkaasi ayaa waxaa shalay loo qeybiyey Dukumentiyadda KMG ee lagu safri karo   (Temporary Travel Documents), kuwaasi oo lagu wado inay dabayaaqada bishan soo gaaraan magaalladda Muqdisho.

Telefishinka Dowladda Libya ee (Qanaat Liibiya) ayaa soo bandhigay Warka iyo  Muuqaalka Tahriibayaasha Soomaalida ee loo qeybiyey Dukumentiyadaasi oo iyagoo faraxsan kor u haya Dukumentiyadda Travel Documenti-ga.

Dhallinyaradaasi waxay  Dukumentiyadaasi shalay lagu guddoonsiiyey  Faraca Hay’adda Kontoroolka Socdaalka ee dalkaasi oo ku yaalla magaalladda Tripoli, gaar ahaan Jidka loogu magac daray Sekka Road.

Madaxa Xafiiska Warbaahinta ee Hay’adda Kontoroolka Socdaalka ee dalkaasi, Xusni Abu Ayana oo ka hadlay Munaasbaadii Tahriibayaasha Soomaalida shalay lagu guddoonsiiyey Dukumentiyadda Socdaalka ayaa xaqiijiyey  inay arrintaasi iska kaashadeen Hay’adda QM ugu qaabilsan Arrimaha Qaxootiga ee UNHCR iyo Hay’adda Muhaajiriinta Caalamiga ee IOM

Muhaajiriintaasi ayaa la filayaa inay bishan May 29-da ka soo degaan Garoonka Caalamiga ee Aadan Cadde ee magaalladda Muqdisho.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media