Tahriibayaal Soomaali ay ku jirto oo Laga Cabsi qabo iney ku dhinteen Xeebaha Talyaaniga

Ugu yaraan 10 qof oo tahriibayaal ah ayaa laga cabsi qabaa iney ku dhinteen Xeebaha Dalka Talyaaniga kadib markii ay quustay doontii dadkasi ay la socdeen.

Ila wareedyo ka tirsan Ciidamadda Ilaaladda Xeebaha Talyaaniga ayaa sheegaya in la badbaadiyay 80 ruux oo muhaajiriin ahaa,kuwaas oo saarnaa doonta degtay.

Dadkasi Doonta ay la quustay oo gaarayay 100 qof waxa ay ka soo kala jeedeen Soomaaliya,Mali,Benin iyo Eritareeya.

Muhaajiriin gaaraya 1,900 oo qof ayaa ku dhintay sanadkan oo kaliya Xeebaha dalka Talyaaniga iyaga oo ku sii jeeday Yurub.

Sido kale waxa Yurub gaaray oo badda Mediterraneanka ka gudbay dad gaaaraya 150 kun oo qof.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor