Dadka wax tahriibiya ayaa lagu eedeeyay in si ulakac ah ay Xeebaha dala Yaman ugu tuureen ilaa 59 tahriibayaal Soomaali iyo Itoobiyaan isugu jira.
Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga Aduunka ayaa sheegtay in dadkaan wax tahriibiya ay Badda dalka Yaman ku qasbeen in ay isku tuuraan dad gaaraya ilaa laba boqol iyo Konton qof,waxaana geeriyooday 29 ka mid ah dadkaas.
Dad kale oo ka mid ahaa tahriibayaashaas oo ku dhow labaatan ayaa la la’yahay,waxaana dadkii kale ee geeriyooday ee isugu jiray Soomalia iyo Itoobiyaan aasay dadkii kale ee ka badbaaday doontii laga tuuray.
Boqolaak ruux ee saarnaa doonta ayaa la sheegay in uu hamigooda sidii ay si tahriib ah ku tegi la haayeen wadamada Carabta qaarkood sida Sacuudiga,balse ay mashaqadaan la kulmeen.