Tahriibayaal Somali oo lagu xiray Kenya oo la soo maxkamadeeyey

Maxkamadda Degmadda Mwingi ayaa la soo taagay 32 dhallinyarro Somali, kuwaasi oo shalay lagu qabtay iyagoo la socday gaari Xamuul oo ka yimid qeybo ka mid ah Goballadda W/bari  ee Kenya.

Dareewalkii gaariga, Robert Mwangi  iyo Kirishboygiisa, Erik Mawanziya Tiito  ayaa la soo taagay Maxkamadd, iyagoo lagu soo oogay inay dad tahriibinayeen.

Sarkaalka Dembi-baarista Boliska, Charles Maragu ayaa ka codsaday Maxkamadda in la siiyo saddex maalmood, si ay baaritaano dheeraad ah ugu sameeyaan Tahriibayaasha Soomaalida.

Garsooraha Maxkamadda ayaa oggolaaday codsiga Baarayaasha, waxaana Tahriibayaasha oo ka kooban 20-rag iyo 12 haween lagu xiray Saldhiga Boliska Mwingi, waxaana  dib loo soo maxkamadayn doonaa bishan 22-da.

somali kenya lagu xiray SOMALI LA QABTAY

Xigasho: Thestar.com  

© Warqabadka Dalsan Radio

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor