Tahriibayaal Somali oo lagu qabtay dalka Ukraine

Kooxaha mukhalasiinta ee dadka sida sharci-darradda ugu gudbiya Qaaradda Europe, ayaa la sheegay inay gureen Jid cusub oo Tahriibayaasha si Taransit ah loo sii marsiinayo dalka Ukraine, ka hor intaysan u sii kala gudbin dalalka kale ee Midowga Europe.

Ku-dhawaad 300 qof ayaa la sheegay in afartii bilood ee la soo dhaafay ka gudbeen dalka Ukraine, kuwaasi oo la arkay iyagoo u sii gudbaya dalalka kale ee Europe.

Waaxda Ammaanka Xuduudaha ee dalka Ukraine ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen ugu yaraan 63 Tahriibahayaal Shisheeye ah, kuwaasi oo la doonayey in loo sii gudbiyo dalalka Talyaaniga,m Giriiga iyo kuwa kale.

Tahriibayaasha la qabtay ayaa u kala dhashay dalalka Somalia, Syria iyo Afganistan.

Qabashadooda ayaa ku soo beegantay iyadoo ay Dowladaha Midowga Europe go’aansaden in wax laga qabto Tahriibayaasha doonyaha ka soo raaca dalka Libya ee ku le’anayo Badda Mediterranean-ka

Xigasho:- sputniknews.com

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor