Tahriibayaal Somali oo lagu kala qabtay dalalka Mozombiik iyo Zambia

Boliska dalka Mosambiik ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen 7 qof oo Soomaali ah, kuwaasi oo si sharci-darro ah ku soo galay dalkaasi.

Sarkaal ka tirsan ka Waxada Socdaalka ee dalka Mosambiik, James Tambula ayaa sheegay in Tahriibayaashaasi doonayeen inay u tallaabaan dalka Koonfurta Afrika, wuxuuna sheegay inay baarayaan arrintooda.

Waxa uu intaasi ku daray haddii ay Tahriibayaashaasi si sharci-darro ah ku joogeen Xeradda Qaxootiga ee Dazaleka u gudbiyeeen Hay’adda Socdaalka ee dalka Malawi.

Dhinaca kale,  Tahriibayaal kale oo Somali ah ayaa lagu qabtay Koonfurta dalka Zambia.

Hdaal ka soo baxay Hay’addaha Amamanka ee dalkaasi ayaa lagu sheegay inay qabteen 14 qof oo Shisheeye ah oo labo ka mid ay Somali ahaayeen,

Tahriibayaashaasi ayaa lagu qabtay Hawlgal ay ciiddanka Ammaanka ka sameeyeen Degmadda Monze.

Shisheeyaha kale ee lagu qabtay dalka Zambia ayaa u kala dhashay dalalka Ruwanda, Lubnaan, Kongo iyo Malaaw

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor