Tahriibayaal Somali oo ku sii jeeday Xeebaha Talyaaniga oo lagu qabtay Masar

Ilaaladda Xeebaha iyo Ciiddanka Ammaanka ee dalkaasi ayaa la sheegay inay kordhiyeen Hawlgallada lagu soo qabanayo Tahriibayaasha sida sharci-darradda uga ambabaxa Xeebaha Masar, si ay u gaaraan Xeebaha dalka Talyaaniga.

Sida maanta lagu soo daabacay Wargeyska Albalad ee ka soo baxa caasimadda dalka Masar ee Qaahira, waxay Ciiddanka Ammaanka iyo Ilaaladda Xeebaha gacanta ku dhigeen 89 Tahriibayaal isugu jirta Masaari,Afrikaan iyo Carab, kuwaasi oo doonyo ka raaci lahaa Xeebta Degmadda Kafar Sheekh ee kaabiga ku haysa Badda Mediterranean Sea.

Taliyaha Ammaanka ee Kafar Sheekh, C/raxmaan Sharaf ayaa sheegay inay qabteen Tahriibayaal tiradooda dhan tahay 89-qof, kuwaasi oo kala ah:-  15 Masaari ah, 26 Suuryaan ah, 13 Somali ah iyo nin Ciraaqi ah.

Taliyaha waxa uu tilmaamay in Tahriibayaashaasi loo gudbiyey Xeer-ilaalinta Maxkamadda Degmadda Kafar Sheekh, si loogu fuliyo xukunnadda ay muteysteen.

Dhinaca kale, Ciiddanka Ammaanka ee Degmadda Jiisaat ee dalka Masar waxay gacanta ku dhigeen Labo gaari oo ay la socdeen 33 Tahriibayaal Somali ah iyo  15 u dhalatay dalka Sudan, kuwaasi oo doonayey inay u sii tahriibaan Xeebaha Talyaaniga.

Xigasho:- www.el-balad.com

© Warqabadka Dalsan Radio

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor