Tahriibayaal Somali iyo kuwo kale oo laga soo badbaadiye Xeebaha dalka Romania

Wakaalladda Wararka dalka Romania ee AGERPRES ayaa sheegtay inay Ciiddanka Xuduudaha ee dalkaasi soo badbaadiyeen 71 Qaxooti oo khatar ugu jira inay ku haftaan Badda Eejiyaan (The Aegean Sea).

Tahriibayaashaasi oo ka soo kala jeeday dalalka Somalia,Sudan iyo Syria waxaa ku jiray 20- Carruur iyo 22 Haween, sida ay baahisay Wakaalladda Wararka ee dalka Romania.

Dadkaasi oo la sheegay inay ku safrayeen Dooni nooca Shiraaca leh waxaa soo badbaadiyey Ciiddanka Xuduudaha ee dalkaasi oo watay doonyaha Ilaaladda.

Sarkaal u hadlay Ciiddankaasi waxa uu Saxaafadda u sheegay inay Tahriibayaashaasi  khatar ugu jireen inay ku haftaan Badda.

Xigasho : AGERPRES

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media