Tahriibayaal Somali ah oo lagu xiray dalka Libya

Wakaalladda Wararka ee dalka Libya (LANA) ayaa shaacisay inay Ciiddanka Ammaanka shalay gacanta ku dhigeen 500 qof oo Tahriibayaal ah , kuwaasi oo raaci lahaa shan dooni oo taagnaa meel ka baxsan Xeebta magaalladda Tripoli.

Wakaalladda waxay kaloo sheegtay in Tahriibayaal kale oo tiradoodu dhan tahay 480-qof lagu qabtay dhul-beereed ku yaalla meel ku hdow Degmadda Jufra ee Bartamaha Libya.

Tahriibayaasha lagu qabtay dalka Libya ayaa la sheegay inay badankooda ka soo jeedaan dalalka Somalia, Ethiopia iyo Eritrea.

Sharci la’aanta iyo Fowdada ka jirta dalka Libya ayaa keentay inay Saldhig weyn u noqoto goobaha ay Kooxaha ka ganacsada Tahriibka ay ka hawlgalaan, iyagoo Qaxootiga u sii tahriibiya Xeebaha dalka Talyaaniga iyo Jesiiradda Malta.

Baaritaano socda oo ay Maxkamad ku taallo dalka Talyaaniga faraha ku hayso ayaa sheegay in qof kasta oo Tahriib ah laga qaado 90,000 oo Dollar, si ay uga soo ambabaxaan Xeebaha Libya una soo gaaraan Xeebaha Talyaaniga.

Dhinaca kale, Ilaaladda Xeebaha Talyaaniga ayaa sheegay inay 48-kii saacadood ee la soo dhaafiyey soo badbaadiyeen ku-dhawaad 5,800 oo Tahriibayaal u badan Somali.

Ciiddanka waxay kaloo heleen maydadka 7 qof oo saarnaa dooni waday Tahriibayaal, halka saddex mayd kalena la sheegay inay ku hafteen badda, kadib, markii ay arkeen Markab Ganacsi oo ay u qaateen inay u soo dhawaadeen Xeebta Talyaaniga.