Tahriibayaal Somali ah oo lagu qabtay berriga iyo badda dalka Libya

Kornel Ridaa Ciise oo ka tirsan Saraakiisha Ciiddanka Badda ee dalka Libya ayaa sheegay inay qabteen shan dooni o oay la socdeen ku-dhawaad 500 oo Tahriibayaal ah, kuwaasi oo ku sii jeeday Xeebaha Talyaaniga.

Waxa uu tilmaamay in doonyahaasi lagu qabtay iyagoo marayey meel 8 mayl dhanka W/galbeed kaga toosan Xeebta Degmadda Qura Bowli oo iyadu 60 KM dhanka Bari kaga toosan magaalladda Tripoli.

Sarkaalkaasi waxa uu tilmaamay in dadkaasi oo Afrikaan ahaa loo gudbiyey magaalladda Misraata oo 200-KM dhanka Waqooyi kaga toosan caasimadda dalka Libya ee Tripoli.

Dhinaca kale, Wakaalladda Wararka ee dalka Libya (LANA) ayaa shaacisay inTahriibayaal kale oo tiradoodu dhan tahay 480-qof lagu qabtay dhul-beereedyo ku yaalla meel ku dhow Degmadda Jufra ee Bartamaha Libya.

Tahriibayaashaasi  ayaa la sheegay inay badankooda ka soo jeedaan dalalka Somalia, Ethiopia iyo Eritrea.

Sharci la’aanta iyo Fowdada ka jirta dalka Libya ayaa keentay inay Saldhig weyn u noqoto goobaha ay Kooxaha ka ganacsada Tahriibka ay ka hawlgalaan, iyagoo Qaxootiga u sii tahriibiya Xeebaha dalka Talyaaniga iyo Jesiiradda Malta.

Dhinaca kale, maalintii Axadda ee la soo dhaafay, Warbixin ay soo saartay Hay’adda u qaabilsan Baaritaanadda jirdilka ayaa lagu sheegay inay Maleeshiyooyinka Liibiya ay dadka Tahriibayaasha ku xiraan Shaqabyadda yaalla  Xeradda Beerta Xayawaanaadka ee Tripoli Zoo ee magaalladda Tripoli, iyadoo jirdil lagu sameeyo Tahriibayaasha, lana kufsado haweenka oo badankooda iyagoo xaamilo noqday loo  tahriibiyo Xeebaha Talyaaniga.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor