Tahriibayaal ay dooni kula degtay Libya oo la badbaadiyey.

Ciiddanka Ilaaladda Xeebaha ee dalka Talyaaniga waxay sheegeen inay shalay soo badbaadiyeen in ka badan 900 Muhaajiriin, kuwaasi oo lagu soo badbaadiyey afar hawlgal oo ka dhacay Gacan-biyoodka Sishilis.

Sidoo kale, Ciiddanka Ilaaladda Xeebaha ee Libya ayaa sheegay inay soo badbaadiyeen  ku-dhawaad 600 Muhaajiriin la socotay 4 dooni oo mid ka mid ah ay quustay.

Afhayeenka Ciiddanka Badda ee Libya, Ayuub Qaasim ayaa sheegay in ay soo heleen maydadka 4 haween, isla markaana la la’ yahay Muhaajirriin kale.

Waxa uu sheegay inay Muhaajiriintaasi ka soo badbaadiyeen Xeebta Galbeedka Libya, wuxuuna xusay inay Tahriibayaasha isugu jiraan kuwa Afrikaan iyo kuw ka yimid dalka Bangaladesh.

Afhayeenka Ciiddanka Badda ee Libya waxa kale oo uu tilmaamay inay in ka badan 550 kale ku soo samata bixiyeen Hawlo dhacay muddadii u dhexeysay maalmihii Arbacadda iyo Jimcaha ee isbuucii hore.

Waxaa kaloo la soo badbaadiyey 17 kale oo uu dab qabsaday doonidii ay ku tahriibayeen.
©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor