Tahriibayaal la soo badbaadiyey iyo kuwo lagu la’ yahay meel ka baxsan Xeebaha Libya.

Hadal ka soo baxay Ilaaladda Xeebaha Talyaaniga waxay ku sheegeen inuu Markab Ganacsi soo  badbaadiyey Tahriibayaashaasi, iyadoo laga cabsi qabo in la la’ yahay kuwo kale.

Afhayeen u hadlay Ilaaladda Xeebaha Talyaaniga ayaa sheegay inay heleen Wicitaan Qeylo-dhaan ah, taasi oo keentay in uu Markabka laga leeyahay uu xalay soo badbaadiyey Tahriibayaasha oo saarnaa dooni ku sugnayd meel 7 mayl ka baxsan Xeebaha Libya.

Doonida ay Tahriibayaasha la socdeen oo nooca Cinjirka ah ayaa la sheegay inay baddu qaaday.

Afhayeenka Ilaaladda Xeebaha Talyaaniga waxa uu sheegay inay Kooxaha Mukhalasiinta ay doonyaha noocaasi ah soo saareen 100 ilaa 120 Tahriibayaal, balse lama hayo warbixin ku aadan tirada Tahriibayaasha la la’ yahay.

Kooxaha Gurmadka ee soo badbaadiyey 26-ka qof aaya sheegay in laga yaabo in ku dhawaad 70 qof la la’ yahay, kuwaasi oo loo badinayo inay ku hafteen hirarka badda, oo ay geeriyoodeen, inkastoo aan la helin maydadkooda.

Dhinaca kale, Tahriibayaasha la soo badbaadiyey waxaa la geeyey Jesiiradda Lampedusa ee Koonfurta Sishiliya ee Talyaaniga, halkaasi oo tobanaan kun oo qof yimaadeen sannooyinkii la soo dhaafay.

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor