Tahriibayaal la badbaadiyey iyo maydad laga helay dooni ku degtay Badda u dhexeysa Libya iyo Talyaaniga

Kooxaha Gurmadka ayaa la sheegay inay maanta soo badbaadiyeen ku-dhawaad 400 oo Tahriibayaal ah oo ay la qalibantay dooni maarayey Badweynta Mediterreanka oo u dhexeysa Libya iyo Talyaaniga.

Kooxaha Gurmadka waxay kaloo sheegeen inay qeybta hoose ee doonidaasi ka heleen maydadka 4 qof oo la sheegay inay caburmeen.

Mid ka mid ah Tahriibayaasha ayaa la sheegay in la daaweynayo, kadib, markii la helay isagoo ay xaalladiisa aad u liidato

Dhinaca kale, Afhayeenka Ilaaladda Xeebaha Talyaaniga ayaa sheegay inay maanta soo badbaadiyeen  ku-dhawaad  500 oo Tahriibayaal ah, kuwaasi oo la socday  3 doon oo dul sabaynayey meel 32 KM ka baxsan Xeebaha Libya.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor