Tahriibayaal cusub oo ay Somali ku jiraan oo ka soo ambabaxday Xeebaha Masar oo xalay gaaray Talyaaniga.

Ku-dhawaad 214 Tahriibayaal ayaa la badbaadiyey, kuwaasi oo la socday doonyo dul sabaynayey Badda Mediterranean-ka, waxaana xalay la gaaarsiiyey Dekedda Pozzallo oo ka tirsan Jesiiradda Sishiliya ee Koonfurta Talyaaniga.

Tahriibayaashaasi oo ay ka mid yihiin64 carruur ah ayaa waxaa badbaadiyey Markab laga leeyahay Faransiiska oo lagu magacaabo MV Jean-Francois Deniau.

Wakiilladda Hay’adda Badbaadinta Carruurta ee “Save the Children” oo ku sugan Dekedda Pozzallo ayaa sheegay in Tahriibayaasha la badbaadiyey u kala dhasheen dalalka Somalia, Sudan, Masar, Ethiopia, Eritrea, Kamiruun iyo Yemen.

Tahriibayaashaasi ayaa la rumeysan yahay inay ka soo shiraacdeen Xeebaha dalka Masar, mana kala cadda inay qeyb ka yihiin Tahriibayaashii ka badbaaday doonyihii lagu le’day iyo inay yihiin Tahriibayaal kale oo aan wax dhibaato ah la kulmin muddadii ay safar-baddeedka ku soo jireen.

Tahriibayaasha cusub ee xalay gaaray Dekedda magaalladda Pozzallo ee dalka Talyaaniga ayaa la sheegay in la marsiiyey Baaritaan Caafimaad, loona sameeyey Waraaqaha Qaxootinimadda, waxaana lagu wadaa in saakayto loo gudbiyo Xarumaha lagu hayo dadka Qaxootiga ku ah dalkaasi.

©Radio Dalsan

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor