Tahriibayaal ay Soomaali ku jiraan oo ka soo baxsatay Ma-gefe ku haystay dalka Liibiya

140 Tahriibayaal ka soo kala jeeda dalalka Somalia, Ethiopie iyo Ereteria ayaa la sheegay inay bilowgii isbuucan ka soo baxsadeen Ma-gefayaashii ku haystay meel ku dhow Degmadda Bani Waliid oo 145 KM dhanka Koonfurta kaga toosan caasimadda dalkaasi ee Tripoli.

Ilo Gudaha iyo Shaqaalaha Samafalka ku sugan Degmadda Bani Waliid ayaa sheegay in qaar ka mid ah Tahriibayaasha la dilay, kuwa kalena la dhaawacay inti iay ku jireen tallaabadii ay kaga soo baxsadeen Kooxihii ku haystay halkaasi.

Qaar ka mid ah Tahriibayaasha soo badbaaday ayaa u sheegay Hay’adda Dhakhaatiirta aan Xuduudka Lahayn ee MSF in ugu yaraan 15 Tahriibayaal la dilay, halka ilaa 40 kale oo u badan Haween looga soo tegay Xeradda lagu haystay.

Hadal-qoraal oo ka soo baxay Hay’adda Dhakhaatiirta aan Xuduudka Lahayn ee MSF ayaa lagu sheegay inay 25 Tahriibayaal la dhaawacay ku daaweeyeen Isbitaalka Degmadda Bani Waliid, kuwaasi oo ay qaarkood ku yaalleen dhawaacyo rasaaseed iyo  jajab badan.

Dhinaca kale, Hadal-qoraal oo ka soo kala baxay Hya’adad Socdaalka Caalamiga ee IOM iyo Hay’addaha Qaxootiga ayaa lagu sheegay in Tahriibayaasha soo baxsaday ay gacanta ugu jireen Mukhalas caan ah oo ka mid ah Ma-geyaaasha afduubta  Tahriibayaasha oo lagu magacaabo Muuse Diyab.

Si kastaba ha ahaatee, Tahriibayaasha soo baxsatay oo badankooda da’da Tobanaadka (teenager) ku jira ayaa doonayey inay u magangelyo ka helaan Europe, waxaana Tahriibayaashaasi dhowr jeer lacago madax-furasho looga qaatay Degmadda Bani Waliid iyo Degmadda ku dhow ee NESMA.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media