Tababarayaasha Milliteriga Jarmalka ee Hawlgalka u joogay Somalia oo dib ugu laabtay dalkooda

Afhayeenka Wasaaradda Difaaca ee Jarmalka waxa uu si rasmi ahaan u shaaciyey inay soo gebagebeeyeen Hawlgalkii ay Ciiddanka Hubeysan ee Jarmalka ku joogeen Somalia tan iyo sannadkii 2010-kii.

Afhayeenka waxa uu intaasi ku daray inay Ciiddankaasi dib  ugu soo laabteen dalkooda hooyo, iyadoo ay Ciiddankaasi qeyb ka ahaayeen Saraaklisha  Milliteriga Midowga Europe ee tababarka siiya Ciiddanka DFS.

Bishii Feberayo ee la soo dhaafay ayey Wasaaradda Difaca ee dalka Jarmalka ku dhawaaqeen inay Ciiddankooda kala bixi doonaan Somalia, isla markaana ay DFS ka taageeri doonaan Arrimaha Siyaasadda.

Dhinaca kale, Dowladaha xubnaha ka ah Midowga Europe waxay bishii December ee sannadkii 2016-kii xilliga u kordhiyeen Ciiddankooda ka hawl-gala Somalia, kuwaasi oo tiradoodu dhan tahay 160 Askari

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media