Taalibaan oo ka jawaabtay eedaymo ay Qaramada Midoobay u soo jeedisay

Afhayeen u hadlay Taalibaan ayaa meesha ka saaray eedaymaha Qaramada Midoobey ee sheegaya in kooxda xagjirka ah ee Al Qaacida ay dhaqdhaqaaq ka wado Afghanistan, isagoo ku tilmaamay sheegashadaas mid aan sal iyo raad toona lahayn.

Sohail Shaheen oo la hadlay warbaahinta Pakistan, GEO ayaa sheegay in Taalibaan ay ilaalin doonto ballan qaadkooda heshiiskii Doha oo sannadkii hore lala saxiixday Mareykanka si looga hortago in Afghanistan loo adeegsado saldhigga weerarrada dalalka kale.

Wuxuu ka hor yimid warbixinadii Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobey ee ay dhowaan soo jeediyeen ee ahaa in xubno ka tirsan Al Qaacida ay joogaan ku dhawaad ​​kala bar gobollada Afghanistan.

“Warbixinnadani waxay ku salaysnaayeen warar been abuur ah oo ay bixiyeen kuwa naga soo horjeeda,” ayuu yiri.

“Mustaqbalka, xoogagga amniga iyo sirdoonka Taalibaan waxay noqon doonaan kuwo firfircoon,” ayuu raaciyay.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor