Taageeradda Madaxweyne Uhuru iyo Ku-xigeenkiisa oo hoos u dhacday weeraradda Alshabaab awgeed

Madaxweynaha dalka Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa la sheegay in taageeradiisa hoos u sii liicayso.

Xog-ururin cusub oo ay qaaday Hay’adda IPSOS ayaa lagu muujiyey inay Shacbiyaddii Uhuru Kenyatta hoos uga dhacday heerkii uu taagnaa bishii December ee sannadkii hore.

Xilligaasi waxay taageeradiisa ahayd 67%, balse bishii hore waxay hoos uga soo dhacday 48%.

Madaxweyne-ku-xigeenka Kenya, William Ruto ayaa isagana la sheegay in Taageeradiisa oo horey u ahayd 63% bishii December ee sannadkii hore ay hoos u dhacday oo ay gaartay 35% bishii hore ee April.

Daraasadda ayaa lagu muujiyey in Taageeradda Uhuru Kenyatta hoos u dhacday tan iyo markii ay Alshabaab kordhiyeen weeraradda ay ka geystaan W/bari Kenya.

Bishii April 2-dii ee sannadkan, Dagaalamayaasha Alshabaab waxay weerareen Jaamacadad Garissa, halkaasi oo lagu dilay in ku dhow 150-qof.

Dhinaca kale, Daraasaadda cusub waxaa  lagu soo bandhigay Taageeradda Hoggaamiyayaasha Mucaaradka, kuwaasi oo laga dareemay hoos u dhac.

Hoggaamiyaha Isbahaysiga CORD, Raila Odinga ayaa ka biyo diiday Qiimeyntaasi, wuxuuna sheegay inaysan qaadan karin inuu Madaxweyne Uhuru Kenyatta ka taageero badan yahay Mucaaradka.

Xog-ururinta ay qaaday Hay’adda IPSOS waxaa lagu sheegay inay sii korodhay shaqo la’aanta ka jirta Kenya, waana heerkii ugu xumaa tan iyo markii Madaxweyne Uhuru Kenyatta qabtay xilkaasi.

© Dalsan Radio

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor