Taabit oo ku baaqay In la joojiyo dagaalada ka socda Muqdisho & in dadweynaha loo furo wadooyinka

Duqii hore ee Muqdisho Taabit Cabdi Maxamed baaq kas oo saaray dagaalkii ugu dambeeyey ee saacadihii las oo dhaafya ka socday xaafado ka tirsan degmada Deeyniile ee Gobolka Banaadir iyo Wadooyinka Muqdisho oo Saddex Maalin oo xiriir ah la xiray,isaga oo tacsi u diray dadkii ku geeriyooday dagaalkaas

“Marka hore waxaan tacsi u dirayaa dhamaan ehelada shacabkii ku dhintay shaqaaqooyinkii shalay ilaa xalay ka dhacaayay Muqdisho iyo qaraxyadii maanta Xamar ka dhacay, waxaan lee yahay Allaha u naxariisto dadkaa gardarada ku dhintay, dhamaanteenna samir iyo imaan Allaha naga siiyo, sidoo kale kuwa ku dhaawacmay iyagana Allaha caafiyo”

Waxa uu sidoo kale nasiibdarro ku tilmaamay in xiligaan Muqdisho ay ka dhacaan dagaal beeleedyo waxa uuna ugu baaqay kooxaha dagaalamaya in ay nabad iyo wadahadal waxwalbo ku dhameeyan.

“Dagaalada dhex mara ciidankeenna waa kuwa soo noq noqda una baahan in qorshe cad loo sameeyo si loo xakameeyo, waa nasiib darro weyn in 2018 aan aragno Xamar oo dhowr saacadood ay ka socdaan dagaallo shaati qabiil loo galiyay,Waxaan ugu baaqaya kooxaha dagaalamaya in ay nabad iyo wada hadal wax ku raadiyaan, u turaan shacabka ayna ogaadaan inuu xisaabtan jiro, mar walba oo uu dagaal dhaco waxaa naga baxa dad muhiim u ahaa bulshadeenna, dagaal hadii uu faa’iido lee yahay waxaa nagu filan inaan dib u fiirino 27kii sano ee lasoo dhaafay”

Masuuliyiinta laamaha Amniga Soomaaliya iyo waxgaradka Muqdisho ayuu ugu baaqay Taabit Cabdi in ay gudi u saaran sidii loo soo afjari lahaa dagaalkaas oo ah mid soo lab laabtay

“Hay’addaha Amniga, Maamulka Gobalka Benaadir iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha waxaan ka codsanaya in ay xoogga saaran sidii loo damin lahaa colaadda, sidoo kalana ay magacaaban gudi soo afjara xiisadan soo noq noqotay,Odayaasha dhaqanka, Ganacsatada, Culimmada, Haweenka iyo Dhallinyarada waxaan lee yahay kaalintiina qaata, waad ogtihiin Muqdisho iyadaa horey u dhiig baxeysay mana xamili karto dhibaato cusub.

Dhinaca kale, xiisadda siyaasadeed ee maalmahan ka taagan Muqdisho waxey culees badan saartay shacabkii magaalada oo laga xiray dhamaan jidadkii ay isticmaali jireen, xaqiiqdii aadbey ii gubtay markii la ii soo sheegay hooyo xaamilo ah oo laamiga ku foolaneysa.

Siyaasiyiintu waa in ay ogaadaan awoodoodu waxey ku egtahay inta ay shacabku kacayaan. Fadlan Muqdishaawiyiinta yaan cadaadiska lagu badin oo laga xayirin nolol maalmeedkooda.

Khilaafka siyaasiga ah ee taagan uma baahna xoog iyo cudud ciidan toona, waa in la aada dhanka sharciga si xal loo helo, kaas hadii aan iska indho tirno wax badan ayaa naga halaabi doona.

Ugu dambeyntii waxaan soo dhaweynayaa Dhawaqa Dhalinyarada waxaana leeyahay marwaliba doorkiina waa muhiim. Waxaad xaq u leedihiin mustaqbal la mid ah kuwa jiilalkii hore ay ku heleen bilaash.

Mahadcelin Duqii hore ee Muqdisho Taabit Cabdi.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media