Suxufiyiin lagu xiray Jowhar iyo Burco.

Wararka naga soo gaarayo magaallo-madaxda Gobalka Sh/dhexe ayaa xaqiijiyey in xabsiga la dhigay Saxafi lagu magacaabo C/raxmaan Maxamed Cali “Black, kaasi oo u shaqeeya Telefishinka SOMNEWS.

WERIYE CABDIRAXMAAN BLACKCiiddanka Ammaanka ayaa la sheegay inay xireen Weriyahaasi, xilli uu sawiro ka qaadayey Dhismaha Hoolka Shirarka iyo Dhismooyin kale oo ku yaalla Jowhar.

Saxafigaasi waxa uu ka mid ahaa Koox Suxufiyiin ah oo Jowhar u tegay, si ay u soo baahiyaan Shirka Maamul-u-samaynta Goballadda Sh/dhexe iyo Hiiraan.

Maamulka Gobalka Sh/dhexe weli kama hadlin xariga loo geystay Weriyahaasi, iyadoo ay Ururka Suxufiyiinta Sh/dhexe cambaareeyeen xarigaasi, waxaynaku baaqeen in la sii daayo Saxafigaasi.

Dhinaca kale, Wararka naga soo gaarayo Caasimadda Gobalka Togdheer ee Burco waxa halkaasi lagu xiray Weriye Madax bannaan oo caan ka ah Warbaahinadda ku hadla Afka Soomaaliga.

WERIYE CABDIMAALIK COLDOONCiiddan ka tirsan kuwa Ammaanka ayaa la sheegay inay xireen Weriye C/maalik Muuse Coldoon iyo Sawir-qaade kala shaqeeya Xafiis uu ku lahaa magaalladda Burco.

Maamulka Somaliland weli kama  aysan hadlin xariga Weriyahaasi iyo Sawir-qaadaha.

Ururka Suxufiyiinta magaalladda Burco ayaa cambaareeyey xarigaasi, waxayna ku baaqeen in shuruud la’aan loo sii daayo Weriye C/maalik Muuse Coldoon iyo Sawir-qaadihii la shaqeynayey.

©Radio Dalsan 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor