Ku-dhawaad 100 Saxafi iyo dadka u ololeeya Xorriyadda Hadalka ayaa dhigay Dibadbaxaasi oo ay kaga cabanayeen Saxafi Khamiistii la soo dhaafay lagu dilay Waqooyiga dalkaasi.
Saxafiyada la dilay oo la oran jirey Miroslava Breach ayaa noqotay Weriyihii 3-aad ee bishan lagu dilay dalka Mexico oo ka mid ah dalalka ugu khatarta badan ee lagu dhibaateeyo Shaqaalaha Warbaahinta.
Dibadbaxayaasha waxay wateen Boorar ay ku qornaayeen Hal-ku-dhegga ah “Dilka Weriyayaasha ma dilayso Runta”
Miroslava Breach waxay u shaqeyn jirtay Wargeyska La Jornada.
©Radio Dalsan