Suuqyada Magaalada Garoowe oo Maanta xiran

Wararka aan Maanta ka heleyno Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal ayaa waxa ay sheegayaan in Ganacsigii Magaaladaas uu gebi ahaanba saakay xiran yahay.

Sababta ugu weyn ee ka dambeeysa xirananshaha Suuqa ayaa waxaa lagu sheegay in ay weli caqabad ka taagan tahay istcimaalka lacagta Shilinka Soomaaliga ah  iyo kororka sarifka dollarka.

Suuqyada hilibka iyo qudaarta ayaa xiran,waxayna tani walaac ku abuurtay dadka danta yar ee ku sugan Magaalada Garoowe.

Maamulka gobolka Nugaal ayaa dhawaan sheegay in ay la xisaabtami doonaan Ganacsatada diidaya lacagta shilinka Soomaaliga,balse ay u muuqato in Warkaas uusan dhaqangelin.

Magaaloyin kale oo ka tirsan Puntland sida Boosaaso ayaa sidaan oo kale looga diiday lacagta shilinka Sooamaliga,iyada oo Maamulka gobolka Bari uu Ganacsatada ku tilmaamay in ay yihiin qaran dumis.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media