Suldaan C/raxmaan Suldaan C/qani:“Aniga marnaba ma  weydiisanin Fawsiya Yuusuf Xaaji wax Laaluush ah”

Suldaan C/raxmaan Suldaan C/qani oo ka mid ah Odayaasha Dhaqanka ee Beelaha Waqooyi ee ku hawlan Doorashadda Ergooyinka ayaa si kulul u beeniyey Hadal Cod ah oo dhawaan lagu baahiyey qaar ka mid ah Warbaahinada, kaasi oo lagu sheegay inuu ahaa Cod ay Musharax Fawsiya Yuusuf Xaaji Aadan ka duubtay Suldaankaasi.

Mar uu xalay la hadlay Barnaamijka Wareegga Wararka ee Radio Dalsan, waxa uu Suldaanka iska fogeeyey inuu Fawsiya Yuusuf weydiistay lacag laaluush oo dhan 50,000 oo Dollar.

“Waxaan Musharax Fowsia ku wargeliyey inay is-afgartaan Musharax kale oo la tartami lahaa iyo inay Musharaxaasi siiso Kharaj, si uu ugu tanaasulo” ayuu yiri Suldaan C/raxmaan Suldaan C/qani.

Ilo ku dhow Xafiisyadda Xeer-ilaalinta ayaa sheegay inay Fowsia u soo gudbisay codka Suldaankaasi oo ka codsanayo inay bixiso Lacag Laaluush ah iyo isagoo ku cabsi-gelinaya inaan Fawsiya loo codeyn doonin haddii ay ku fashilanto inay bixiso Lacagtaasi.

“Marnaba kuma cabsi gelin inaysan codeynin” ayuu yiri Suldaanka oo ku eedeeyey Musharax Fawisya inay doonayso inay joojiso Doorashadda Beelaha Waqooyi (Somaliland).

Waxa uu intaasi ku daray inay haatan iyada u xayiran yihiin, wuxuuna ugu baaqay inay ku soo biirto iyo inay iska diiwaan-geliyo  Ergadda Doorashadda.

Suldaanka waxa kale oo uu Wareysiga uu xalay siiyey Radio Dalsan ku sheegay inuu arrintaasi u caddeeyey Xeer-ilaaliyaha Guud oo ay Telefoonka ku wada hadleen.

Dhinaca kale, Musharax Fawsiya oo aan la xiriirnay waxay ka gaabsatay inay ka hadasho arrintaasi, iyadoo sheegtay inuu Kiiska haatan hor yaallo Xeer Ilaaliyaha Guud iyo Guddiga Doorashadda Qaranka.

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor