SSG oo qabanqaabisay Kulan Furan oo lagu gorfeynayey doorka Warbaahinta iyo Bulshadda Rayidka ee Go’aan-samaynta Barlamaanka.

Kulankaasi Furan oo  barqanimaddii maanta lagu qabtay Hotelka City Palace ee magaalladda Muqdisho,  ayaa waxaa ka qeyb galay Xildhibaano, Suxufiyiin iyo xubno ka socda Ururadda Bulshadda Rayidka, kuwaasi oo  si saraaxad leh  isku dhaafsaday  Doorka ay Suxufiyiinta iyo Bulshadda Rayidka ee ay Talooyinka kaga dhiiban  karaan Sharciyadda ay Xildhibaanadda Barlamaanka Federalka ansixinayaan.

Sarkaal ka tirsan Hay’adda Xoojinta Maamulka Somalia (Strengthening Somali Governance (SSG), oo lagu magacaabo Axmed Cawil ayaa Madasha ka soo jeediyey Casharo ku aadan muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo Wada-shaqeynta dhinacyadaasi iyo in la wadaago Talooyinka la xiriira Ansixinta Go’aano-Sharciyeedka ee ay Barlamaanka u codeeyaan.

Xildhibaan Cabdi Shire Jaamac “Ciyaar-jecel” iyo Xildhibaanad Nadiifo Cismaan oo ka wada tirsan Barlamaanka Federalka ayaa ka qeyb galay Kulankaasi, waxayna soo dhaweeyeen Aragtida ku aadan inay Warbaahinta iyo Bulshadda Rayidka door ku yeeshaan Talo ka dhiibashada Sharciyadda ay Mudanayaasha Barlamaanka ansixin doonaan Mustaqbalka soo socda.

Maxamed Xaaji Barre “Fiyoore” oo ku hadlayey magaca Dalladda Warbaahinta Soomaalida ee Madaxa-bannaan (SIMHA) ayaa ka hadlay Wada-shaqeynta Joogtadda ee u dhexeyso Barlamaanka Federalka, Warbaahinta iyo Ururadda Bulshadda Rayidka, wuxuuna  xusay inay Saddex Hay’adood yihiin kuwo ay Hawlahooda iskaabayaan.

Sidoo kale, xubno ka kala socday Ururradda Bulshadda Rayidka  ayaa iyagana ugu baaqay  Mudanayaasha Barlamaanka  inay garwaaqsadaan Doorka ay Bulshadda Rayidka iyo Warbaahinta ku leeyihiin inay Talooyin ka dhiibtaan Sharciyadda ay Xildhibaanadda anisixinayaan.

Si kastaba ha ahaatee, waa markii ugu horreysay oo ay Xildhibaano, Suxufiyiin iyo Ururradda Bulshadda Rayidka isugu yimaadaan Madal Furan, si ay uga wada xaajoodaan Xiriirka Saddex Geesoodka ee ay yeelan karaan, si  Tal-wadaag looga yeesho Sharciyadda ay Mudanayaasha Barlamaanka ansixinayaan.

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor