Spain oo la wareegtay Hoggaaminta Hawlgalka La-fagaalanka Burcad-baddeeda ee Xeebaha Somalia

Taliyaha cusub ee Ciiddanka Badda ee dalka Spain, Admiral Alfonso Gomez ayaa la wareegay Hoggaaminta Taliska Hawlgalka Midowga Europe ee Atlanta Operation ee ay ka wadaan Xeebaha dalka Somalia.

Munaasabadda uu xilka kula wareegayey ayaa lagu qabtay Markabka ESPS Galicia oo taagan Xeebta dalka Jabuuti, waxaana ka soo qeyb galay Taliyayaasha Ciiddanka Badda ee 14-ka waddan ee qeybta ka ah Hawlgalka La-dagaalanka Burcadda ka qowleysata Xeebaha dalka Somalia.

Taliyaha cuusb ee Hawlgalkaasi waxa uu xilka kala wareegay Taliyihii hore ee Ciiddanka Badda ee EU Naval Force, Admiral Jonas Haggren oo u dhashay dalka Sweden.

Taliyaha cusub ee Ciiddanka Badda ee dalka Spain, Admiral Alfonso Gomez oo xilkaasi hayn doona muddo 5 bilood ah ayaa u mahadceliyey Saraakiisha iyo Mariniska Hawlgalkaasi, wuxuuna tilmaamay inuu si mas’uuliya leh u gudan doona hawshaas.

Dhinaca kale, Hawlgalka EU-da ee La-dagaalanka Burcad-baddeeda Soomaalida ayaa la sheegay inuu yareeyey falalkii lagu afduuban jirey Maraakiibta Ganacsiga ee adeegsada Badda Soamlia.

Sannaadkii 2011-kii, Burcad-baddeeda waxay qabsadeen 32 Markab oo ay la socdeen 736 Badmaaxiin, laakiinse sannadkan lama soo werinin wax Markab Ganacsi ah oo ay Burcadda ka qafaasheen Xeebaha Somalia.

Source: EUNavFor