Soomali uu ku habsaday Gantaalka Katyusha magaalladda Cadan

Lix qof oo Soomaali ah ayaa ku geeriyootay duqeyn shalay ka dhacday magaalladda Cadan ee Koonfurta dalka Yemen.

Marxuumintaasi oo uu ilmo yar ku jiray ayaa waxay geeriyoodeen, kadib, markii gantaal ay Dagaalamayaasha Xuutiyiinta soo tureen uu ku habsaday Dhismo Dugsi lagu xannaaneeyo Carrurta oo ay dadka Soomaalida gabbaad ah u galeen.

Waa markii labaad ee Toddobaadkan oo ay Qaxooti Soomaali ah ku geeriyoodaan iska horimaadyadda Xuutiyiinta iyo Maleeshiyadda taabacsan Madaxweynaha Yemen, C/rabu Mansuur Haadi.

Bilowgii isbuucan, Nin Soomaali oo raashinka saxuurta ka iibsanayey dukaan ku yaalla magaalladda Cadan ayaa waxa ku habsaday Gantaal, iyado uu halkii ku geeriyoodaay.

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor