Soomali-Maraykan u hanjabay FBI-da oo la amray in lagu sii hayo Xabsiga

Khalid Abdulkadir oo 19 jir ah ayaa ku sii jiri doono Xabsiga, kadib, markii uu Garsooruhu sheegay inaan weli la haynin caddaymo ku filan Eedeynta loo haystay o oahaa inuu Bartiisa Twitterkaugu hanjabay Dembi-baarayaasha Boliska Maraykanka ee FBI.

Garyaqaanka Eedeysanaha ayaa codsaday in la sii daayo Khalid Abdulkadir, isagoo sheegay inaan caddaymo loo haynin inuu isagu qoray Hanjabadaasi.

Sarkaal ka tirsan FBI-da oo lagu magacaabo Vadaym Vinetsky ayaa sheegay inay hayaan caddaymo, inkastoo Farriinta laga tirtiray Twitterka.

Sarkaalka waxa uu sheegay inay FBI-da xaqiijiyeen in Twitterka lagu hanjabay uu leedahay Khalid Abdulkadir, isla markaana ay Farriinta saarnaa Sawirkiisa iyo Telefoonkiisa Khaaska.

Digniinta Twitterka ee loogu hanjabay FBI-da ayaa timid dhowr saacadood kadib, markii Khaalid C/qaadir saaxiibkiisa Abdirizak Mohamed Warsame isbuucii hore lagu soo oogay inuu taageerao Kooxda Daacish ee ka dagaalanta dalalka Iraq iyo Syria.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor