Soomali ku sii jeeday Nairobi oo la qabtay

Boliska Degmadda Mywingi ayaa sheegay inay qabteen gaari xamuul oo waday 32 muwaadiniin Soomaali ah oo ku sii jeeday magaalladda Nairobi, kadib, markii ay Boliska ilaalo ku hayeen dadkaasi la tahriibinayey.

Qabashadaasi ayaa lagu tilmaamay tii ugu ballaarnayd ee lagu qbati dad shisheeye ah, iyadoo Boliska cayrsadeen gaarigaasi.

Soomaalida ayaa lagu qabtay waddada isku xirta Garissa iyo Nairobi, waxayna ka koobnaayeen 20 rag iyo 12-haween.

Dhinaca kale, dadkaasi ayaa la filayaa in maalinta Isniinta ee soo socota la soo taago Maxkamadda Nairobi, waxaana la sheegay inay haatan ku xiran yihiin Saldhig ku yaalla magaalladda Nairobi.

© Warqabadka Dalsan Radio

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor