Soomaaliya oo Safiiro Cusub Magacaabatay+Magacyadooda

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Magacaabatay Danjireyaal Badan oo u badali doona Safiiro imminka Laga qaaday Xilalkii ay Dowladda u haayeen.

Danjireyaasha La magacaabay waxa kamid ahaa Danjire Jamal Xasan oo loo Magacaabay Dalka Kenya isaga oo xilka kala Wareegi doona Danjire Maxamed Cali Nuur Ameriko,Danjire Daahir Geelle waxa loo Magacaabay danjiraha Soomaaliya u fadhin doona Sacuudi Carabiya,Danjire Faadumo Makhtuumi waxa Loo Magacaabay Danjiraha Soomaaliya u qaabilsan Dalka Ciraaq,Jamaal Barrow waxa laga dhigay Safiirka Soomaaliya u fadhin doona Koonfur Afrika halka Faadumo Isaaniya loo Magacaabay Safiirka Soomaaliya u qaabilsan dalka Mareekanka waxana hore Xilkasi u haayay Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor