Soomaaliya oo markii ugu horeysay Ciyaartooy u dirtay Koobka Adduunka?

Xiriirka kubadda cagta Soomaaliya ayaa 3 ciyaartooy u direy dalka Ruushka, halkaas oo ay u daawasho tagayaan ciyaaraha, islamarkaasna qeyb ka noqonayaan ciyaartooy badan oo adduunka laga kala keenayo.

Guddoomiyaha xiriirka Cabdiqani Siciid ayaa sheegay in xiriirka kubbada cagta adduunka ee FIFA ay soo codsatay dhalinyarada “Dhalinyaro ciyaartooy oo 3 ah ayaan dirnay, waxa ay qeyb ka yihiin barnaamij FIFA ay ugu magacdartay Saaxiibtinimada Kubbada Cagta, waxayna tageen Moscow, ujeedkana waxa ay tahay in dhalinyarada adduunka ka imanaya ee ka kala imanaya qaaradaha kale duwan ee adduunka ay is dhaxgal sameeyaan”.

Waxa ay da’dooda ka hooseysaa 17 jirada, waxayna ka dheelaan booska difaaca, taas oo ahayd shuruudii ay FIFA u baahnayd.

Soomaaliya waligeed kama aysan qeybgalin ciyaaraha adduunka, balse waa markii koowaad oo ciyaartooy Soomaali ah ay si rasmi ah qeyb uga noqonayso ciyaaro qeyb ka ah koobka adduunka, inkasta oo aysan ahayn kuwa rasmi ah, islamarkaasna koox ahaan aysan u dheeleynin.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media