Soomaaliya iyo Seychelles oo ka wada hadlay Xaalada Maxaabiista ku xiran dalkaas

Wasiirka Arrimaha Dibadda dowladda FederAalka Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar ayaa waxa uu kulan la qaatay Madaxweynaha Jaziirada Seychelles, Danny Faure.

Wasiir Yuusuf Garaad ayaa waxa uu kala hadlay xaalada Muwaadiniinta Sooomaaliyeed ee dalaksi ku xiran iyo sidoo kale xiriirka labada dal ee Soomaaliya Seychelles sida uu sheegay Wasiir yuusuf Garaad.

“Madaxweynaha waxaan ka wadahadalnay xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Seychelles.  Madaxweynuhu wuxuu xusay in uu ku faraxsan yahay in wafdi Soomaaliya ka socda oo heerkan ahi uu dalkiisa soo booqdo,Wuxuu ii sheegay in ay weerarrada burcad badeedku dhib weyn u geysteen Seychelles hadda ka hor, laakiin aanay jirin wax cuqdad ah oo ay Dowladda iyo shacabka Seychelles ay qabaan,Sababtana waxaa uu ku tilmaamay in uu fahamsan yahay xaaladda uu dalku ku sugnaa 2008 oo ah xilli ay burcadbadeeddu ay aad u dhiirranayd.

Sidoo kale Wasiir Yuusuf Garaad ayaa sheegay in ay Madaxweynaha Seychelles ay ka wada hadleen sidii ay isku dhaafsan lahaayeen arrimaha Badda  ganacsiga iyo dhaqaalaha buluugga ah intaba.

Dhanka kale Wasiirka Arrimaha Dibadda Sooamaliya ayaa sheegay in Madaxweynaha Seychelles ay isla soo qaadeen lix Dhalinyaro ah oo todobaad ka hor ay soo qabteen ciidamada Badda Seychelles kuwaas oo ku doodaya in ay yihiin Kaluumeysato.

 

 

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media