Soomaaliland oo xirtay Qoraa Buug ka Qoray Guushii Farmaajo

Ciidamada Maamulka Soomaaliland ayaa lagu soo waramayaa in ay Xabsiga dhigeen Qoraa Buug ka qoray Guushii uu gaaray mudada Sanadka aheyd ee ka soo wareegtay doorashadii Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Qoraagaan oo lagu Magacaabo Maxamed Keyse Bigeeye ayaa Buuga u qoray waxa uu ugu Magac daray ( Tusaalaha Guusha)

Warar ay heshay Dalsan ayaa waxa ay sheegayaan in weli uusan soo bandhigin Buugaas balse qeyb ka mid ah Jaldigiisa in uu si Ogeysiis ahaan ah u soo dhigay Bartiisa Facebook sidaasna lagu xiray.

Maalintii Saddexaad ayaa la xaqiijiyay in uu xiran yahay Qoraa Magacaabo Maxamed Keyse Bigeeye,waxana xarigiisa aad uga xumaaday Ururada u dhaq dhaqaaqa Xaquuqda Aadanaha.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media