Soomaaliland oo ka jawaabtay hadalkii Madaxweyne Farmaajo,ee heshiiska Saldhiga Berbera

Maamulka  Somaliland ayaa ka jawaabay hadal uu madaxwaynaha Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo ku sheegay in dawladiisu ku daba joogto sidii ay u heli lahayd xog dhamaystiran oo ku saabsan heshiiska saldhiga Berbera ee Imaaraadka Carabta oo uu sheegay inuu bilowgiisu ka horeeyey dawladiisa.

Mr Farmaajo oo shalay hadal ka jeediyey kalfadhiga Labaad ee Baarlamaanka Somaliya,wuxuu sheegay in marka uu soo helo xogtaas uu la wadaagi doono Barlamaanka Somaliya.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaliland Yaasiin Maxamuud Xiir “Faratoon” oo la hadlayaay Wargeyska Geeska Afrika eek a soo baxa Magaalada Hargeysa ayaa sheegay in uu digniin u diray Madaxda dowladda Soomaaliya islamarkaana waxa uu sheegay in amdax kasta ee soo marta dalka Soomaaliya ay ku mashquulaan siyaasada Soomaaliland sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu sidoo kale Wasiirku ka hadlay Wadada saxda ah oo ay u mareen hehsiiskii Saldhiga Meleteeri uga sameysanayaan Imaaradka Carabta waxa uuna yiri.

“Somaliland waa dal madax banaan,waa dal leh madaxwayne Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo” ,Somaliland waa dal leh baarlamaan Lasoo doortay ,saldhiga Milateri ee Berbera nidaamkii saxda ahaa ayuu maray oo golaha guurtida iyo golaha wakiilada ayaa si wada jira u ansixiyey una mel mariyeyee qoraal baarlamaan Somaliya ah iyo talo la waydiiyo cid kale oo Somaliya ah waxba Somaliland kama qaadayaan ee Somaliland waa dal dhisan oo xasiloon oo nidaamkeeda dawladnimo u dhisan tahay ee madaxda Somaliya waxaan leeyahay dantiina raaca.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media