Soomaaliland oo ka hadashay xiisad ka taagan Dekadda Berbera

Wasiirka Arimaha Dibedda Somaliland, Dr Sacad Cali Shire ayaa markii ugu horreysay ka hadlay cabashooyin isdaba joog ah oo ka soo baxaya muruqmaalka iyo ganacsatada isticmaasha dekedda Berbera.

Cabashada ayaa socotay tan iyo intii maamulka dekedda lagu wareejiyay sharikadda caalamiga ah ee DPWorld ee dalka Imaaraadka Carabta afar bilood ka hor.

Ganacsatadu waxay ka cabanayaan in badeecooyinkoodu ku raagaan maraakiibta, halka muruqmaalkuna ay dhawr jeer ku dhaqaaqeen shaqo joojin, inkastoo middii ugu dambaysay saddex maalmood ka hor la xalilay.

Sikastaba dhawaan ayay aheyd markii uu waxyeelo u geestay mid ka mid ah Muruq maalatada dekadda Kuntineer ku soo dhacay Gudaha Dekadda Berbera kadib xal ka gaaristii khilaafkii u dhaxeeyey Ganacsatada dekadda iyo Madaxda Shirkada DPWorld

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media