Soomaaliland oo ka hadashay ansixinta Sharciga isgaarsiinta Soomaaliya(War-Saxaafadeed)

Maamulka Somaaliland ayaa ka hadlay xeerka lagu maamullo isgaariinta oo ay dhawaan ansixiyeen baarlamaanka dawladda federaalka Soomaaliya, kaasi oo ay sheegtay in aanu wax saamayn ah ku yeelan doonin.

Wasiirka wasaaradda Boostadda iyo Is-igaarsiinta Somaliland Mustafe Faarax Abraar, oo  warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa magaaladda Hargaysa, waxa uu sheegay in Somaliland ay u madax banaan tahay xeerarka ay ku maamusho isgaarsiinteedda.

“Wasiirka Boostada  Soomaaliya wuxuu dhawaan soo saaray xeerka isgaarsiinta, kaasi oo uu sheegay in Somaliland ay qayb ka tahay. Waxaan leenahay wasiirka boostada Soomaaliya, Somaliland waa dal u madax banaan xeerarkeedda iyo shuruucdeedda, waxaanay leedahay goleyaal sharci-dejin ah oo soo saara shuruucdeedda”ayuu yiri Mustafe Faarax Abraar.

Wasiirka Boostada iyo isgaarsiinta Somaliland ayaa uga digay dawladda federaalka Soomaaliya in ay wax farro-gelin ah ku soo samayso sharciyadeedda dhinaca isgaarsiinta. Waxaanu yiri

“Waxaan uga digaynaa dawladda federaalka Soomaaliya in ay wax farro-gelin ah ama caga-jug layn ah ay noola yimaadaan, sharcigayaga ayaanu ku maamulnaa isgaarsiintayadda ayuu yiri wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Soomaaliland.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media