Soomaaliland oo fal qisaas ah ku fulisay Nin horay wax u dilay

Ciidamada Maamulka Soomaaliland ayaa saacadihii la soo dhaafay howlgal ay sameeyeen waxa ay Gacanta ku soo dhigeen nin shalay gelinkii dambe Magaalada Buuhoodle ku dilay Nin kale.

Ninka horay waxa u dilay ayaa waxaa lagu Magacaabi jiray Abshir Fuje,isaga oo shalay Magaalada Buuhoodle ku dilay nin ay xooga ismaan dhaafeen oo lagu Magacaabi jiray Cabdisamad Xaaji Abukar.

Intaas kadib ciidamada Booliiska Soomaaliland iyo qaar ka mid ah waxgaradka Magaalada Buuhoodle ayaa waxa ay waqti badan geliyeen sidii Gacanta loogu soo dhigi lahaa Ninkaas dilka geestay,iyada oo ugu dambeyn la soo qabtay.

Kulan iyo wadatashi dheer kadib waxaa la Go’aamiyay in fal qisaas ah lagu fuliyo Ninkaas Gacan ku dhiiglaha ah,sida uu Radio Dalsan u sheegay mid ka mid ah Odayaasha dhaqanka Magaalada Buuhoodle.

Arrinkan ayaa aad looga hadal hayaa saacadihii lasoo dhaafay gudaha magaalada Buuhoodle iyo nawaaxigeeda,waxaana soo dhaweeyay qaar ka mid ah bulshada Magaalada Buuhoodle.

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media