Soomaaliland oo dib u celisay Markab siday qaxooti Yamaniyiin ah

Wararka aan ka heleyno Magaalada Berbera ayaa waxa ay sheegayaan in Dekadda Magaaladaas dib looga celiyay Markab ay saarnaayeen 5 ka mid ah Qaxooti u dhashay dalka Yaman.

Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Magaalada Berbera ayaa waxa ay Warbaahinta u sheegeen in sababta ay dadkaas u celiyeen ay tahay in aan lagu kasoonaan karin Caafimadkooda sida ay hadalka u dhigeen.

Sidoo kale waxa ay sheegeen in Qaxootigaas Soomaaliland ay soo geli karaan markii Caafimadkooda la soo baaro hadii kale dalkooda Yaman dib loogu celin doono.

Soomaaliland deegaanadeeda kala duwan ayaa waxaa todobadyadii la soo dhaafay kaa soo degayay qaxooti ka soo cararay dalka Yaman taas oo keentay in haatan shaki badan ay ka muujiyaan Masuuliyiinta Maamulka Soomaliland.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media